Make your own free website on Tripod.com

HOYGA AQOONTA DA'YARTA SOOMAALIYEED

Home
waxbarasho
Contact Us
Activities
Facilities
Gallery of Photos
Map
Specials of the Month
New Page Title

Waraysi lala yeeshay Guddoomiyaha Jaamacada Camuud

London - April 2006 - Waxaa noo suurto galay inaanu waraysi la yeelano Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Saleeban Axmed Guleed oo beryahanba booqasho ku joogay dalkan Britain. Waraysigaasi oo luu la yeeshay Tafatiraha Wargeyska Jamhuuriya London C/xakiim Maxamed Sheekh waxa uu u dhacay sidan:

Fadlan halkan ka sii akhri

Warbixin ku saabsan xaaladda Ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Urdun

Irbid (Urdun) - May 29, 2006

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Urdun oo isagu jira wiil iyo gabdho ayaa intooda badan waxay soo galeen dalka Urdun billowgii sanadii 2001, kuwaas oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Ardayda ayaa waxay sidoo kale ku kula duwan yihiin meelaha ay kasoo kala galeen iyo waliba hababka ay kusoo galeen iyo cidda maal galisa. Hase yeeshee dalalka ugu badan ee ay ka yimaadeen ayaa kala ah Sucuudiga, Suuriya iyo Soomaaliya

fadlan halkan ka sii akhri

Kaalinta Qoraaga Soomaaliyeed

Qofka qoraaga ah had iyo jeer marka uu wax qorayo, qoraalkiisu wax buu salka ku hayaa oo ujeedo ayaa ka danbeysa. Qaar baa ujeedadoodu tahay inay sulux iyo wanaag dadka u gudbiyaan, qaar baa ah inay dab iyo isku dir ummadda u horseedaan, kuwaa ujeedadoodu tahay inay dadka aqoon ugu soo gudbiyaan, sidoo kale kuwaa ku ceytama oo aragtidooda gaaban dadka usoo gudbiya

fadlan halkan ka sii akhri

Xaflad soo-dhaweyn ah oo loo qabtay ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan

Khartuum - Febraayo 2006
Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan ayaa 19/02/2006 waxa uu qabtay xaflad soo-dhawayn ah oo lagu maamuusayay in kabadan 180 arday oo sanadkan loo aqbalay jaamacadaha dalka Suudaan qaybaheeda kal aduwan. Xaflan uu qabtay ururku ayaa ah mid soo jireena lana qabto sanadwalba xiligan oo kale tan iyo intii la aasaasay Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan sanadii 1976

fadlan halkan ka sii akhri

fadlan ku soo dhawoow in aad ka qayb gashid mareegtadan aqoonta da'yarta

HOYGA AQOONTA DA'YARTA SOOMAALIYEED